Habarta Fawziya eeda saara ee Fadlan yaan Saacidkan Sixran arinta Muqtaar lagu eedeeynin:Ganacsade Muuse Faarax Shirwac PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 25 December 2012 01:23

Waan idiin salaamay Maamulka Shacabkamedia waxaadna ku mahadsan-tihiin inaad noo soo gudbisaan Bahdilaada Muqtaar-Jeyte ay Habarta Fawziya ku samaysay,balse aan mid idiin xasuusiyo anigu Ganacsadaayaasha Nairobi ee Reer Puntland ayaan ka mid ahay,wiilkan Siyaad Maxamuud Shire ee sida farsamaysan booska Qunsulka looga xoogay Muqtaar-Jeyte,waxaa meesha u qal-qaaliyay Reysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi iyo Ninka La taliyaha u ah Habarta Fawziya ee Dhabancad la yiraahdo

Horta Ninkan Saacid-Sanab ee Reysalwasaaraha ah waa jirtaa in Siyaad uu abti u yahay,laakiin booskan waxaa ku fariisiyay Cali Maxamed Geedi oo Xogheyntiisa qaaska ahaa uu ahaan jiray xiligii uu Reysalwasaaraha ahaa,waxaana Booskan laga xoogay Muqtaar-Jeyte ee Qunsulnimadda,waxaa arintan lug weyn ku leh  Odeygii cuqdadda u qabay Reer Puntland ee Dhabancad ahaa oo Dumaashidiis Fawziya booskan uga dhameeyay Siyaad Maxamuud Shire

Mideeda kale waxaan idin ku wargelinayaa doqonka Reysalwasaaraha ee Saacid-Sanab ee Habarta Caasho Xaaji,Hawiye-Action-Group  iyo Damjadiid kursigii Beesha Daarood ku fariisiyay inuu yahay Nin ay sixradeen oo qalinkiisa ku shaqeystaan marka la yaab ma-leh in maanta Muqtaar-Jeyte oo kursigan xaq u lahaa inay bahdilaan Fawziyo iyo Dhabancad oo taageero ka heleya Reysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi iyo Safiirka Soomaalida Kenya Cali Ameeriko,ee waxaan idiin sheegayaa Shacabkamedia in arintan Reysalwasaare Saacid-Sanab ay u badan-tahay inuusan ka warheyn,waayo ninkani maskiinka ah waa nin la iska maamusho qalinkiisa oo marhore la sixraday.

Arinta aan idiin ku raacsanahay waxay tahay in Gaas ninkii la oran-jiray wixii aad ku sheegi-jirteen ay hadda rumoowday waana runtiin dhiiga Shimbiraha ayaa ku jira jirkiisa,marba isagoo nool oo Nairobi ku sugan Ninkii Muqtaar-Jeyte ahaa ee xaqa u lahaa Qunsulnimadda Kenya in lagu bahdilo hortiisa uu doqonkii Gaas ahaa wax ka qaban-waayay,isagaana maanta laga rabay inuu ka dhii-.dhiiyo in Muqtaar-Jeyte aan si farsamaysaysan Qunsulnimadii uu xaqa u lahaa,lagu wareejiyo  wiil yaroo ciyaal-suuq ah oo aan Diplomaasiyadda waxba ka aqoon.

Waxaad iga gaarsiisaan Shacabka Puntland inay la dagaalamaan Dawladdan cadawga isku aruursaday waana inaad ka dhii-dhiisan bahdilaada lagu samaynayo Aqoonyahaniinteena oo loo bahdilayo waxaad ka soo jeedaan Goboladda Puntland,arinta Muqtaar-Jeyte lagu sameeyayna haku tusaale qaataan siyaasiin ka soo jeeda Puntland oo awal aaminsanaa inaan cadowtinimo loo muujin Maafiyadda Hawiye-Action-Group iyo Damjadiid oo dagaal ku haya dadka ku abtirsada Puntland

Qalinkii:Ganacsade:Muuse Faarax Shirwac

Nairobi-Shacabkamedia

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Sunday, 30 December 2012 23:33
 
Shacabka Media Search
Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.