Saacid oo bahdilay Puntland iyo Muqtaar-Jeyte amarna ku-siiyay Habarta Fawziya inay Qunsul u magacawdo wiil uu Abti u yahay PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 24 December 2012 13:48

Warar lagu kalsoon-yahay oo Shacabkamedia soo gaaraya ayaa xaqiijiyay in Qunsulkii Dawladda Kenya xiligii Reysalwasaare Gaas loo magacaabay Muqtaar-Jeyte oo kasoo jeeda Gobolada Puntland,in si xun loogu bahdilay Safaaradda Soomaalidda ee Kenya,kadib markii uu warqadda aqoonsiga ka helay Wasaaradda arimaha dibadda ee Kenyana lagu wargeliyay in lagu bedelay nin lagu magacaabo Siyaad Shire Maxamuud oo Reysalwasaare Saacid Abti u yahay marna Xogheyn u ahaan jiray R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi

Bahdilaada lagu sameeyay Muqtaar-Jeyte waa mid taariikhda u galaysa Reysalwasaarihii hore C/weli Gaas oo maanta isagoo nool kuna sugan Magaaladda Nairobi inuu Wasiiradda Arimaha Dibadda Fawziya ka codsan-waayay inaysan magacaabin Qunsul cusub,maadaama Muqtaar-Jeyte ay Dawladiisa soo magacawday 7-bilood ka hor,balse uu hor-istaagay Safiirka Soomaalida  fadhiga Kenya Ambassador Cali Ameeriko oo maanta ku guuleystay inuu Muqtaar-Jeyte ku bedelo Qunsul cusub oo Wasiirada ariumaha Dibadda Fawziya u keenay Reysalwasaare Saacid.

Arinta ka dhacday Magaaladda Nairobi hadii aysan ka dabaakh-tamin Puntland iyo Xildhibaanadda Dawladda Federaalka ugu jira,waxaan shaki-ku-jirin in bahdilaada Muqtaar-Jeyte ee Saacid,Fawziya iyo Cali Ameeriko ku sameeyeen ay noqon-doonto taariikh-xumo buuga madoow u gasha Siyaasiinta Puntland.

Waxaana maanta xaqiiqoowday in Reysalwasaare Saaacid uu yahay nin caloosha ka buka oo xanuunsan,marba hadii Diplomaasigii ugu horeeyay ee dagaal uu la galay uu noqday Diplomaasi ka soo jeeda Puntland,isagoo weliba ku xumaysana Reysalwasaarihii hore C/weli Gaas oo xiligiisii la soo magacaabay Muqtaar-Jeyte, balse muddo 7-bilood ah uu shaqadiisa hor istaagay Ambassador Cali Ameeriko,waana arin laga yaq-yaqsoodo maanta in Puntland qof kasoo jeeda uu Cali Ameeriko shaqadiiisa ka hor-istaago.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Sunday, 30 December 2012 23:34
 
Shacabka Media Search
comments powered by Disqus Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.