Muxuu Saacid u dhibsaday Wasiir Fiqi?(Tooshka Wareega ee Shacabkamedia oo baaritaan arintan ku sameeyay) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 22 December 2012 01:02

Reysalwasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa la arkay dhawr-jeer isagoo dhibsaday sida Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi uu awoodiisii Reysalwasaare u soo fara-gashtay,kadib markii wefdiyada Caalamiga ah ee Muqdsiho yimaado la arkayey isagoo Garoomadda Muqdisho ku qaabilaya.

Marar badan ayuu Reysalwasaaraha dhibsatay in Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Gaashaanhiga inay keligood isku koobeen iskuna taxalujiyeen inay Wafuuda Caalamiga ah Garoonka  ama Xafiisyadooda ku qaabilaan.

Hadabba shalay galab Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow Guurguurte markii uu Nairobi u dhoofayey,waxa uu dhawr-jeer la dardaarmay Wasiirka Gaashaandhiga,waxaana arintan dhibsaday oo kolka aad sawirka si degan u daawato kuu soo baxaya in Reysalwasaare Saacid inuu la yaabsan-yahay sababta Madaxweyne Xasan uu markasta ula dardaarmo marka uu Muqdisho ka dhoofayo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakin Fiqi?

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Tuesday, 25 December 2012 17:48
 
Shacabka Media Search
comments powered by Disqus Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.