Daawo:Maxaa Zambia ka dhacay iyo sababta loo weeraray Soomaalida (3-Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacoodu aad u liito) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 16 December 2012 13:23

 

Wararka aan ka helayo Magaaladda Ndola ee Zambia oo ay degan-yihiin Ganacsatada Soomaalida Afrika  ugu taajirsan  ayaa qasaaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday Goobaha Ganacsiga cirka isku shareeray.

Dhalinyaro Zaambiyaan ah oo ka careysan dilkii Ganacsade Cumar Xaashi (ina-Dhulqas)u geystay nin ka mid shaqaalahiisa oo magaciisa lagu sheegay Holland Komase ayaa sababtay in la weeraro Goobaha ganacsiga lana gubo gawaari,iyadoo la billiiqeystay guryo iyo bakhaaro badan oo ku yaal Magaaladda Ndhola.

Hadaba dhaawaca waxaa ugu daran 3-Ganacsade oo u kala dhalatay Beesha Cumar-Maxamuud,Jufooyinka kala ah (Reer-Aadan,Reer-Khalaf iyo Reer Maxamed-Faarax balse Soomaalida badankood ku naaneesaan Reer Cali-Maxamed)waxaana dhaawaceeda aad u liita Gabar Ganacsato ah oo Jufadda Reer-Aadan u dhalatay

Waxaa xusud mudan in Dalka Zambia oo ay degan-yihiin Ganacsatada Soomaalida Afrika ugu waxaana badankood maalintii uu dhibka dhacay Ganacsatadan iyo Qoysaskoodii badbaadiyay Ciidamada Booliiska Zambia oo Soomaalida u soo gurmaday.

Arinta ayaa hada la qaboojiyay waxaana ka hadlay Madaxweynaha Zambia oo sheegay in dhaqaalaha dalkiisa ay udub-dhexaad u yihiin Ganacsatada Soomaaliyeed ee Zambia,isagoo sheegay hadii ay wadanka ka guuraan in dhaqaalaha Wadankiisa hoos u dhacayo,wuxuuna ka tacsiyeeyay dhibaatadii soo gaartay Soomaalidda iyo Qoyska ninka Zaambiyaanka ah ee Ganacsade Cumar Xaashi (Ina-Dhulqas)uu madaxa ka toogtay,inkastoo Booliiska Zaambiya ay gacanta ku-dhigeen Gacanku-dhiiglahan Soomaaliga ah.

Daawo sababta loo weeraray Somalidda Zambia iyo Goobaha Ganacsiga oo la bililiqeysanayo :

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Wednesday, 19 December 2012 12:32
 
Shacabka Media Search
comments powered by Disqus Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.