Weligaa Habeen Muqdisho ma aragtay sida Shacabka u caweeyaan?(Sawiro)? PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 13 December 2012 04:48

Inta badan goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho ayaa badankood xiliga habeenkii ah furan ayadoo dadkuna ay si caadi ah uga dukaameysanayaan ama uga adeeganayaan.

Nolosha magaalada  waxey aheyd mid si tartiib tartiib ah ugusoo laabaneysay si caadi ah wixii ka dambeeyey  Caasimadda laga saray  Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab

Goobaha ugu badan waxaa ka mid ah goobaha iibiyo cabitaannada fudud sida Jallaatada, mac macaanka,Carwooyinka,farmashiyeyaasha iyo kuwo kale oo badan kuwaasi oo marka aad gaarto aad ku arkeyso dadyow si nabad ah ugu caweynaya.

Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah oo la hadlay iyana Warbaahinta ayaa sheegay in goobaha ganacsi ay intooda badan dadku si weyn uga dukaameystaan habeenkii saacaddo badan oo ka mid ah taasina ay timid markii magaalladu ay ka dhasheen isbedellada nabadeed.

“Ganacsigeenna mudooyinkan xiliga habeenkii waxba kama duwana kan maalintii oo goobaheenna ganacsi inta badan habeenkii wey furanyihiin dadkuna si caadi ah ayey waxey nooga iibsadaan ilaa habeen barkii laga gaaro, Alle mahadii wax dhib ahna ma aragno” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Qaranka.

Canab Maxamed Barkhadle-Shacabkamedia-Muqdisho

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Monday, 17 December 2012 00:20
 
Shacabka Media Search
Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.