Hadaad sugaysay Gurigaad Muqdisho ku lahayd inaad dib u hesho , Maanta waxa loo soo socdaa waa Shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaaso(Daawo)
Written by Administrator
Tuesday, 11 December 2012 14:24
Hadaad sugaysay Gurigaad Muqdisho ku lahayd inaad dib u hesho , Maanta waxa loo soo socdaa waa shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaaso. Ururka HAG (Hawiye Action Group), oo qaar badan oo ka mid ah xubnaha ururkaas ay maanta hogaaminayaan dawlada Xasan Culusoow Garguurte ayaa waxay leeyihiin halhays u qarsoodi ah oo Af Talyaaniga lagu yiraahdo (La mala erba non muore mai)micnaheeduna yahay (Teeyda anaa leh Taadana kula lihi) Macnaha ka danbeeya Xikmadan, ayaa waxay tahay in Reer Puntland Dekeda Boosaaso waxa ka soo baxa ay la qeybsadaan midda Muqdishana aan lala wadaagin,dhaqaalaha mucaawinadda loo siiyana lagu qeybsado Muqdisho,
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo inta badan qaata fikrka Ururka uu ka ka midka ahaan jiray ee HAG, ayaa sheegay in Dekededa Boosaaso ay tahay Hanti Qaran sidaas awgeed wixii ka soo baxa ay ka dhaxeeyaan Dhamaan Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Culusow,oo maanta raadinaya Shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaaso, waa madaxweynaha Wasaaradii waxbarshada, wasaaradii hidaha iyo tacliinta Sare, Wasaaradii Caafimaadka, wasaaradii dhalinyarada iyo Cayaaraha ka dhigay hal wasaarad oo hal wasiir leh. Laakiinse wuxuuna Soomaali u sheegin in Agaasimyaasha guud ee wasaaradaha , agaasimaayasha Waaxaha wasaaradaha , Isku duwayaasha wasaaradaha wasaaradaha, oo dhamaantood u dhigmaan xilalka ay hayaan wasiiro ay yihiin rag ka soo jeeda Beeshiisa.
Tusaale hadaan u soo qaadano, wasaarada Hawlaha Guud waxa ka mid ah Agaasimayaasheeda Agaasimaha guud ee wasaradda gaadiidka cirka dhulka badda iyo dekedaha Maxamed Cismaan Cali “dhagaxtuur”.
Madaxweynaha Soomaliya, marna kama hadlin Kaalmada Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo aan soo dhaafin Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Madaxweynaha Soomaaliya marna kama hadlin Ciidamada lagu sheego Ciidanka qaran in dhamaantood ay yihiin Beeshiisa, waana ciidanka Turkigu hubaynayaan oo tababarayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusow, sadexdii Bilood oo hore oo xilka hayey, waxa uu waqti badan siiyey sida loo qaybsan lahaa Dhuxusha Kismaayo taala lacagta ka soo baxda, markii la gado si beeshiisu ay saami uga heli lahayd, maanta isaga oo hilmaamay Federaalkii, Guryihii Muqdisho lagu haystay,ayaa waxa uu doonayaa in saami uu ka helo lacagta yar oo ka soo baxda Dekeda Boosaaso oo ay fiirsanayaan dadkii laga soo barakiciyey 1991 Guryahoodii iyo hantidii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Gebagebadii waa wax laga xumaado madaxwynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo aan ka hadlin Askartii Soomaaliyeed oo argagixisadu ku dishay degaanada Puntland , dagaalkii shalay ka dhacay Buurta Calmadow,weerarkii Jabhada SNM ku soo qaaday Bulshada midnimada jecel ee Sool iyo Sanaag in uu maanta soo hunguriyeeyo shilimada ka soo baxa Dekeda Boosaso,laakiin jiljileecaas wuxuu ka arkay Madaxweynaha dabeecadda qalafsan ee Puntland Faroole ee isagu markii la doortay Madaxweyne Xasan Culusoow iska aamusay,taasoo loo fasirtay inuu lafihiisa u baqay fuleyga Faroole jawaabtii looga bartay waagii Sheekh-.Sharifna aan ku dhicin inuu siiyo Madaxweynahan nasiibka lagu doortay ee cuqdad ka qaba inuu soo dhaweeysto Maamulka Puntland,maantana la soo shirtagay shilamadda Dekedda Boosaaso ayaan canshuurayaa,meeshii looga baahnaa inuu dadka Muqdisho ku wargeliyo in marka hore guryaha bililiqadda lagu heysto dadkii lahaa ee Reer Puntland u badan in guryahoodii dib loogu celiyo.
Daawo:Xasan Culusoow Garguurte oo ka dhawaajiyay Dekedeha Boosaaso,Berbera,Kismaayo iyo Muqdiso inay Canshuuur ka qaadayaan
Adobe Flash Player not installed or older than 9.0.115!
:
Allsanaag+Shacabkamedia
Shacabkamedia-Beyra-Puntland
Runta Kama-Xıshoono
Email:Shacabkamedia@live.com
Last Updated on Friday, 14 December 2012 15:00
Shacabka Media Search
Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.