Waxaad barato waa Baaskaa(Daawo:Fanaan Daahir-Lucky oo Mareykanka xabsi laga soo daayay oo Hees aan laga fileynin soo saaray) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 08 December 2012 23:02

Horaa loo yiri (Waxaad barato waa baaskaa)Fanaan Daahir Lucky oo Mareykanka xabsi laga sii daayay xili loo heystay isaga iyo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo Nin Qaarada Aasiya u dhashay oo badankood Gobolka Minnessota deganaa lagu tuhmayo inay ka ganacsadaan jirka gabadhaha Soomaaliyeed ee aan qaan-gaarin,ayaa durba soo saaray heeso ay la jilayaan Gabdho qaa-qaawan oo muuqaalkooda inay Itoobiyaan yihiin loo maleynayo,waxaana arintan ka carooday asxaabtiisa iyo taageerayaasha Fanaanka xabsiga laga soo daayay oo ku rajo-weynaa in Fanaanka uu joojin-doono Dumarka uu bahdilayo ee jirkooda uu qaawinayo.

Fanaankan oo asxaabtiisa iyo ehelkiisa u balan-qaaday hadii uu xabsiga ka soo baxo inuu iska daynayo inuu Gabdho qaa-qaawaan Heesihiisa iyagoo cayaaraya uu soo bandhigo,ayaa Tooshka wareega ee Shacabkamedia waxaa la soo gaarsiiyay Filin muujinaya Fanaan Daahir Lucky oo Gabdho uu soo kireystay Magaaladda Dubai ku cayaarayaan Heesihiisa.

Daawo:Daahir Lucky oo Gabdho uu soo kireystay oo Itoobiyaan ah oo qaa-qaawan Heesihiisa ku cayaaraya:

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Thursday, 13 December 2012 02:42
 
Shacabka Media Search
Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.