Nimco Dareen oo Masrax laga tuuray (Daawo:Qaabkii loo weeraray Fanaanadda xili ay Bandhig-Faneed Nairobi ku qabanaysay)
Written by Administrator
Friday, 07 December 2012 21:48
Tooshka wareega ee Shacabkamedia ayaa helay muuqaal filin ah oo muujinaya Fanaanad Nimco-Dareen oo laga soo tuuray masrax ay bandhig-faneed ku dhigaysay Magaaladda Nairobi,bishii Agoosto 24-keedii ee sanadkan 2012-ka.
Filinkan oo Moobeyl lagu duubay ayaa muujinaya wiil gadaal uga yimid Fananadda kana tuuraya masraxa iyadoo dhulka si xun ugu dhacday,waxa markii ay dhulka ku dhacday waxaa la maqlayaa qeylada Fanaadda oo si xun loo garaacayo,iyadoo dhulka lagu jiid-jiiday,inkastoo dhalinyaro kuraas ku dagaalamaysay ay difaaceen Fananaadda,iyadoo filinka aad ku arkeysid,dhalinyaradii soo weeratay Fanaanadda oo Jabhadda ONLF ka tirsan iyo dhalinyaro difaacayey Fananadda oo kuraaso isku garaacaya,waxaana markii dambe Fanaanadda loola cararay Isbitaal ku-yaal Magaaladda Nairobi.
Muuqaalka la helay ayaa laga dhax arkaa Nimco Dareen oo qadaysa heesta (Dareen Aax) in gadaal uu kaga yimaado wiil dhalin yaro ah kadibna uu ka tuuro masraxa gabi ahaanba.
Dad badan ayaa waxaa la yaab ku noqotay dhibatada fanaanada loo geestay marka ay dawadeen muuqaalka fanaanada oo laga tuurayo masraxa .
Sido kale dadweynaha waxaa layaab ku noqotay in fananada ay ku heesaysay Cd horey ay ugu duubtay codkeeda ,waxaana taas cadayn u noqotay in fanaanada marka masraxa laga tuuray ay heesta iska sii socotay ilaa markii danbe Cd-ga heesta la damiyo.
Markii Masraxa laga Tuuray ayaa la arkayay In Fanaanadda lagaraacay Waxaana Goobta Isku Garaacay Taageerayaasha Faanadda iyo Qoladii kicisay Falka Lagu Garaacay Fanaanadda Caanka ah ee Nimco Dareen