Reer Carmo oo ka farxiyay Faroole kuna soo dhaweeyay Boorar ay ku qoran-yihiin (Forward)(Horey-u-soco) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 29 November 2012 11:54

(Beesha Cali Saleebaan oo boorar ay ku qoran-yihiin (Forward)Yacni (Horey-usoco)ku soo dhaweeyay Degmada Carmo Madaxweynaha Puntland Nabadoon Faroole)

(ilbaxnimadda Reer Carmo oo naqshadii Obama lagu doortay oo kale boorar ku qoran (Forward)(Horey-u-soco)ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland oo la filayo sida Obama u guuleystay mar 2-aad in isagana mar 2-aad Puntland Madaxweyne loo dooran-doono)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed F arole ayaa maanta  si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ,gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ,odayaal ,dhalinayro ,haween ardeyda iskuulada iyo dadweyne faro badan ayaa isku safey wadada dhinacyadeeda iyaga oo wata calamada Puntland iyo caleemo qoyan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa tagay Iskuulka Booliska Carmo oo lagu qabtey kulan balaaran oo dadka deegaanku ka soo qaybgaleen,waxana lagu taageerey geedi socodka dimoqraadiyada Puntland.

Nabadoon Catoosh oo ka mida odayaasha dhaqanka Carmo ayaa sheegey inay taageero balaaran la garabtaaganyihiin xukuumadda madaxweyne Farole iyo dadaalka ay ugu jrto in laga guuro nidaamka qabiilka.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey dadweynihi madasha iskugu yimid taasi oo uu kaga hadley sida ay uga go’antahay hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo dimoqraadiyada Puntland.

Waxa uu sheegey in nidaamkani u horseedayo doorasho xor ah dalka islamarkaasina ay cod helayaan kuwa aan horey u lahayn sida dhalinyarada iyo haweenka.

Inta madaxweynuhu ku suganyahay Carmo ayaa waxa uu la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaankaasi ka hor inta uusan u kicitimin dhanka Bossaso.

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Friday, 07 December 2012 03:31
 
Shacabka Media Search
Shacabka Media :- warbaahinta shacabka Somaliyeed.