Local News

Puntland oo ceyrisay Wasiirkii Reer Cabudwaaq(Bashiir Gurxan) ee afkoooda ku hadlay ee taageeray dhiibistii Qalbidhagax:Qalinkii:War farxad badan(Good-news)

1 week ago



Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo la tashtay Xildbibaanadda  Baarlamaanka Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan oo Xukuumadda  Farmaajo ee Isku-Sawir  ku taageeray dhiibistii Qalbidjagax loo dhiibay cadowga-Itoobiya

Wareegtadan ayaa  xilka looga  qaaday Bashiir C/raxmaan Gurxan oo Reer Cabudwaaq ah kaddib markii uu ku kacay Mas’uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Wareegtadan xil ka qaadista ayaa salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay Warbaahinta,isagoo ku been-abuurtay Puntland inay ku taageersan-tahay Xukuumadda Farmaajo dhiibistii Qalbidhagax uuna  taageeray go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.
Daawo:Wasiirkii Reer Cabudwaaq ee Bashiir  Gurxan oo afka Puntland ku hadlay ayaa taageeray go*aankii Dawlada ee dhiibista Qalbidhagax





COMMENTS
MORE STORIES