Opinions

FARMAAJO SHALAY GUNNIMO DHEREG LEH AYUU DIIDAY LAKIIN MAANTA GUNNIMO GAAJO LEH AYUU QAATAY!:Qalinkii:Abdullahi Nur Ciid.

2 months ago



Maanta waxay u tahay ummada soomaaliyeed maalin madow meel walbo ay ku nooshahay, waa maalin lamida maalinkii gumesytuhu qaybsaday gayiga soomaaliyeed, waa maalin aynu kala saari la’nahay  Somalia ma waxa looga taliyaa addis ababa mise mogadisho?,  Farmaajo ma madaxweyne kilin kamida itoobiyaa, mise madaxweyne soomaaliyeed?


Farmaajo waxay shacabka soomaaliyeed ka doorteen in ka badan labaatan musharrax sababta kaliya ee loo doortay na waxay ahayd inuu u muuqday nin aan shisheeye gadaal ka riixayn oo shacbi ah, qaranka iyo dalka soomaaliyeed na aan khiyaamayn.

Farmaajo oo kula hadlayay shacab soomaaliyeed magaalada Nairobi xilli uu halkaas ku joogay safar ayaa waxa hadalkiisi kamid ahaa “Gunnimo dhereg leh iyo Gobanimo gaaja leh ayaa nala yiri mid doorta waxan dooranay Gobanimo gaajo leh waayo awoowayaasheen Gunnimada ma qaadan jirin” hadalkaasi wuxuu ahaa mid dad badani u riyaaqeen maalin taas hase ahaatee maanta isu bedelay caksiga.


In laga diido 80 million dal muslim ah oo la dhoho gunnimo dhereg leh ma rabno lkn la qaato gunnimo gaajo leh oo xabashi laga gato sarkaal soomaaliyeed oo kamida halgamayaashi 1977 ka qayb galay waliba iyagoo xitaa hal dollar lagu siin maxay ka dhigan tahay? Gunnimo gaaja leh iyo gobanimo gaajo leh miyaa iskaga khaldamay? Mise gunnimada gaajada leh ayaa ka fiican tan dharagta leh? Bal adba.


Farmaajo waxan waydiinayaa “gobanimadaa Qatar ugu hiilisay maxaa Qalbi dhagax ugugu hiilin wayday? Gobanimoy Ba’


Dowladda soomaaliya waxa la gudboonayd in Abdihakim qalbi dhagax maxkamad lasoo saaro, waxa ay dowladdu ku haysato la caddeeyo, hadii uu jiro heshiis ka dhexeeya Somalia iyo Ethiopia in maxkamada la keeno, markaa kadib maxkamadi ku xukunto in la masaafuriyo ama in uu dalka joogi karo, waaba hadii ay tabar yaraan ka cabanayso, lkn sida muuqata khiyaamo qaran ayay ku keceen madaxda dalka oo amray in si shuruud la’aan ah qof soomaali ah oo muslim ah loogu dhiibo xabashi gaalo ah oo horey u dhishay 4 walaalihiis ah iyo aabihiis.

Hadii falkaani yahay mid dad gaar ah fuliyeen waxan u baahanahay in Dowladdu shacabka soomaaliyeed u caddeeyo,

1.       Qalbi dhagax yaa amray in la dhiibo?

2.       Maxaa loo dhiibay?

3.       Dowladdu maxaa tallaabo ah oo arrinkaas kaga jawaabaysaa?

Baarlamaanka waxaa la gudboon:-

1.       Inay u yeeraan laamaha ay quseyso arrinkaan?

2.       In lala xisaabtamo cidii amarkaan bixisay

3.       In khiyaamo qaran lagu soo oogo cid walba oo ku lug yeelata arrin kaan, shaqada qarankana laga cayriyo.

4.       Inay baaritaan madax banana ku sameeyaan hadii uu jiro heshiis ka dhexeeya labada dowladood oo an barlamanka la horkeenin.

 

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon:-

1.       Meel walba oo ay joogaan in ay ka banana baxaan falkaan gurracan ee lagula kacay qaranimada.

2.       Inay u midoobaan cadowga soomaaliyeed ee dhiig miiratada ah oo gadanaya dhiiga dadka soomaaliyeed.

3.       Inay qabyaalada iyo kala qoqobka ka baxaan oo dalka sidii loo dhisi lahaa usoo jeestaan inta maqanna loo xoreyn lahaa.

4.       Dhallinyaradu waa kuwii lagu baxsan jiray maanta oo kale ee ha isku tashadaan dalkana ha u taliyaan.

Culimada soomaaliyeed waxaa la gudboon :-

1.       Inay ka hadlaan waxa diintu ka qabto in qof muslim ah gaalo loo gacan galiyo shuruud la’aan.

2.       Inay dadka soomaaliyeed ka wacyi galiyaan is jaasuusida iyo musuqmaasuqa.

 

Gunaanad:-

Horey waxaa noogu jiray tuhun badan oo an ka qabnay, ololihii farmaajo cidda gadaal kariixaysay? Iyo Sababtii uu xasan khayre Maamulihii (Soma oil & gas) uu ugu xushay raisal wazaare? Waxan ka shakisanayn inuu jiro qorshe fog oo ah in shacabka soomaaliyeed maadama ay baraarugeen wadaniyad loo jilo lkn taa badalkeed khayraadkii iyo hantidii Somalia si hoose loo xaraashto, hadana waxan ka dhur sugaynay bal halka ay isugu biyo shubato dowladda an wali sanad jirsan, waxaase hadda tuhunkii hore war soo dhaaf noqday gadashada Abdihakim Qalbi dhagax, waxana hubaal ah kuwa Qalbi Dhagax gatay inaysan waxba ku ahayn inay xaraashtaan hantida Soomaaliya iyagoo usii maraya dilaaliinta (Soma oil & gas).


FARMAAJO “LAMOOD NOQONSE WAA”


W/Q: Abdullahi Nur Ciid.

Email:- Seaman700@gmail.com



COMMENTS
MORE STORIES