Local News

Wadaad Suufi ah oo 20-Xertiisa laayay(Baangad iyo Bud ayuu nafta uga jaray)

5 months ago



Dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Punjab waxaa ka dhacay arin argagax leh oo ay kana naxeen dadka ku dhaqan halkaasi, kadib markii nin loo maleenayo in madaxa looga jiro oo Suufi ah uu laayay qaar badan oo kamid ah xertiisa oo ugu timid in uu wax baro.


Booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin Madax ka ahaa mowlac suufidu ku cibaadeesto oo kuyaala deegaan hoostaga gobolka Punjab, kaa oo dilay 20-qof oo kamid ahaa xertiisa.


Ninka falkan ka dambeeyay oo lagu magacaabo Abdul Waheed ayaa xertiisa mid mid ugu yeerayay in ay ugu soo galaan qol gaar ah ,waxaana la sheegay in uu daroogo siinayay qofkii usoo gala sidaana ugu dilayay mindiyo iyo baangado uu heestay.

Lix qof oo kamid ah dadka uu laayay ninkan Suufiga ah ayaa la sheegay in ay kasoo jeedeen hal qoys, waxaa sidoo kale dadka uu ninkan laayay kamid ah Haween iyo caruur sida ay booliisku sheegeen.


War kasoo baxay booliiska dalka Pakistan ayaa lagu sheegay in ninka falkan dilka ah ka dambeeyay uu qirtay in uu dad badan laayay, waxa uuna ninkaasi ku dooday in dadka uu dilay ay ahaayeen kuwa isaga neceb oo doonayay in uu dhinto ama ay dilaan.

Source:Allbanaadir

Shacabkamedia-Oslo-Norway

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 



COMMENTS
MORE STORIES